Wasiirka wasaaradda gaadiidka ee dalka ,Kipchumba Murkomen ayaa sheegay in daadadka saameeyay ismaamullada Garissa iyo Tana River ay u badan tayay inay ka sii daraan.
Waxaa uu sheegay in xaaladdu ay sii adkaan karto haddii roobabka da’aya ay sii socdaan 10-ka maalmood ee nagu soo aaddan.
Murkomen ayaa xusay in biyo xireenka Masinga dam uu ku dhow yahay inuu buuxsamo.
Tani ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato qoysas dheeraad oo ku sugan Garissa iyo Tana River oo ay waxyeello culus ka soo gaartay daadadka.