Wasiirka wasaaradda tamarta iyo batroolka Monica Juma ayaa kenyaanka u xaqiijisay in muddo 72 saacadood gudahooda ah lagu xallin doono gaabadka dhinaca shidaalka ee wadanka ka jiray in ka badan saddex toddobaad.
Monica ayaa dhanka kale gaadiidleyda ku boorrisay inay is dejiyaan.
Shir jaraaid oo ay qabatay ayay ka sheegtay inuu jiro keyd shidaal oo dalka ku filan.
Waxaa ay qaar ka mid ah shirkadaha ka ganacsado shidaalka ku eedeysay inay shidaalka keydsadeen si ay qiimo sare ugu iibiyaan ama ay ugu gudbiyaan suuqyada gobolka.
Monica Juma ayaa intaasi ku dartay in maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka ee EPRA uu warqado u qoray ilaa 10 shirkadood oo ka ganacsada shidaalka si ay faahfaahin uga bixiyaan khaladaad lagu eedeynaya.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn kaalimaha shidaalka ee dalka ugu baaqday inay shaqeyaan 24-ka saacadood si meesha looga saaro safafka dhaadheer ee ay gaadiidleyda ugu jiraan helidda shidaalka.