Dowladda oo sheegtay in bisha 6-aad la soo saaraya xeerka la dagaalanka daroogada ee bartamaha dalka

0
279

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa sheegay in dhammaadka bisha Lixaad ee sanadkan uu diyaar noqon doono xeer loo adeegsan karo la dagaalanka isticmaalka maandooriyaha ee ismaamullada ku yaalla bartamaha wadanka.
Arrintan ayuu ka sheegay kulan wada tashi ahaa oo uu la qaatay mas’uuliyiinta waaxda dacwad oogidda , saraakiisha dowladda dhexe u qaabilsan dhanka maamulka iyo madaxda amniga ee dowlad deegaannada Murang’a, Kiambu, Nyeri, Nyandarua iyo Kirinyaga.
Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta dugsiga dowladda ee KSG ee xaafadda Kabete ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay saraakiisha maamulka canshuuraha ee KRA , laanta taya-dhowrka badeecooyinka , maamulka la dagaallama waxyaabaha kontarabaanka ah, maamulka qaran ee la dagaalanka isticmaalka daroogada ee (NACADA) iyo waaxyo kale.
Kulankan ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib markii uu hoggaamiyaha labaad ee dalka uu hooygiisa ismaamulka Nyeri kula kulmay in ka badan 245 mas’uul oo isugu jiray wakiillada deegaannada hoose iyo guddoomiyaasha golayaasha ismaamullada hoos tago gobolka bartamaha dalka.