Dowladda oo shaacisay xilliga dib loo furaya dugsiyada

0
469

Xoghayaha tacliinta aasaasiga ah ee dalka Dr. Belio Kipsang ayaa sheegay in dugsiyada waddanka dib loo furi doono 6-da bisha Koowaad ee sanadka 2025-ka.
22-kii bishan ayay ahayd markii la soo gabagabeeyay imtixaanka shahaaddiga ah ee fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee (KCSE) .
Kipsang ayaa xusay in xilli dugsiyeedka koowaad ee sanadka soo socdo uu ku egyahay 4-ta bisha Afaraad .
Waxaa uu qorshuhu yahay in howlaha waxbarashada ay socdaan 13 isbuuc.
Belio Kipsang ayaa xusay in ardayda ay nasasho yar geli doonaan shan cishe laga billaabo 26-ka Febraayo ilaa 2-da bisha Saddexaad ka hor inta aynan sii wadan casharrada.
Fasaxa xilli dugsiyeedka koowaad ayaa u dhexeynaya 7-da April ilaa 25-ka bishaasi.
Wasaaradda ayaa sheegtay in xilli dugsiyeedka labaad ee waxbarashada oo ka kooban 14 isbuuc uu soconaya 28-ka April ilaa 1-da bisha Sideedaad ee August ee sanadka dambe.
Waxaa uu qorshuhu yahay in xilli dugsiyeedka saddexaad uu billowdo 25-ka August oo uu socdo ilaa 24-ka bisha Tobnaad ee Oktoobar.