Dowladda oo shaacisay tirada kenyaanka ka shaqeeya guriyaha Sacuudi Carabiya

0
334

Wasiiradda wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Florence Bore ayaa baarlamaanka u sheegtay in 151,687 qof oo kenyaan ah ay shaqooyinka guriyaha laga qabto ka hayaan gudaha boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Tirada guud ee soo galootiga kenyaanka ah ee laga diiwaangeliyay Sacuudi Carabiya ayay wasiiraddu ku sheegtay 200,000 oo qof.
Florence Bore ayaa arrintan ka hadashay xilli ay galinkii dambe ee shalay ka soo hormuuqatay baarlamaanka.
Xildhibaannada ayaa wasiiradda su’aallo ka waydiinayay xaaladaha nololeed ee kenyaanka u shaqo tagay Sacuudiga iyo daryeelka ay helaan.