Dowladda oo shaacisay tirada dugsiyada ardayda qabo baahiyaha gaarka ah

0
251

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ee dalka Dr. Ilyaas Cabdi ayaa sheegay in wadanka ay ku yaallaan 338 dugsi oo dowli ah kuwaasoo ay dhigtaan ardayda qabo baahiyaha gaarka ah.
Waxay xarumahan isugu jiraan 300 oo ah dugsiyada hoose dhexe iyo 38 ah dugsiyada sare.
Agaasimaha ayaa xusay in sida ay Kenya diiradda u saareysa tacliinta ardayda baahiyaha gaarka ah qabo ay tahay mid is beddelaysa.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu maanta maqaaxi ku taalla magaalada Nairobi uu si rasmi ah uga furay aqoon iswaydaarsi ku saabsan in carruurta qabo baahiyaha gaarka ah si buuxda looga qayb geliyo howlaha waxbarashada ee bariga iyo koonfurta Afrika.
Waxaa halkaasi lagu soo bandhigay warbixin qiimeyn ku sameysay sida ardaydan ay wax uga bartaan 21 waddan oo hoos tago gobollada bariga iyo koonfurta qaaradda Afrika ee (ESAR).
Dr. Ilyaas Cabdi ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ku dadaalaysa sidii ardayda naafada ah ay wax uga baran lahaayeen dugsiyada caadiga ah iyagoo guriyahooda ka imaanaya.
Waxaa uu sheegay in ardaydan badankoodu ay hadda dhigtaan dugsiyo iskudhaf ah.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay dhistay xarumo sameynaya qiimeynta cilmi baarista dhanka waxbarashada si ay uga talo bixiyaan dugsiyada ku habboon in ardayda la geeyo iyadoo lagu saleynaya baahiyaha gaarka ah ee canugga.