Xoghayaha golaha wasiirrada ee dalka Mercy Wanjau ayaa sheegtay in adeegyada dowladda ee laga helaya barta dhijitaalka ee eCitizen ay yihiin in ka badan 14,000 .
Arrintan ayay shaaca ka qaadday xilli ay la kulantay xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda dhexe , madaxda fulinta iyo guddoomiyaasha guddiyada 17 ka mid ah hay’adaha dowliga ah.
Waaxyahan ayaa laga wareystay sida ay u dhaqan geliyeen amarkii madaxweynaha dalka William Ruto ee ahaa in adeegyada dowladda lagu wareejiyo barta casriga ee eCitizen.
Mercy Wanjau ayaa intaasi ku dartay in ay jiraan 2,000 oo adeegyo dheeraad ah oo hadda lagu howlan yahay sidii bartan loogu kordhin lahaa.
Waxay intaasi ku dartay in qorshahan laga dhabeyn doono 31-da bisha Diseembar ee sanadkan.
30-kii bishii 6-aad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto uu amray in qarashaadka dadweynaha laga qaado ee la xiriira adeegyada dowladda lagu bixiyo hal nambar oo ah 222222 si looga hortago falalka musuqmaasuqa ee lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.