Dowladda oo shaacisay tallaabooyin ka dhan ah balwadda

0
257

Dowladda dhexe ayaa maanta shaaca ka qaadday tallaabooyin gaaraya ilaa 25 oo looga gol-leeyahay in gudaha wadanka looga cirib tiro ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha ay ka midka yihiin khamriga iyo waxyaabaha kale ee balwadda ah.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua la qaatay dhammaan isku duwayaasha dowladda dhexe ku matalo gobollada , saraakiisha maamulka ee (NGAO) iyo laamaha ammaanka.
Ka dib markii uu soo idlaaday kulanka oo ka qabsoomay hooyga rasmiga ee madaxweyne ku xigeenka dalka ee xaafadda Karen ayaa waxaa bayaan faahfaahsan warbaahinta la wadaagay wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki.
Tallaabooyinka waxaa ka mid ah in gebi ahaanba la hakiyay adeegsiga shatiyadii ay maamullada KRA iyo KEBS siiyeen shirkadaha soo saaro khamriga loo yaqaano second-generation alcohol iyo waxyaabaha la midka ah.
Amarkan ayaa si degdeg ah u dhaqan galaya.
Sidoo kale dhammaan leesimada shaqeynaya ayaa shirkadaha la siiyay waxaa dib loo turxaan bixin doonaa muddo 21 cishe gudaheeda ah.
Dhismayaasha ganacsiyadan ayaa keliya loo oggolaan doonaa inay sii shaqeeyaan marka ay helaan ansixin cusub ka dib.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa talaadada soo socoto ee 12-ka bishan kulan ku casuuntay mas’uuliyiinta shirkadahan.
Sidoo kale waxaa waxba kama jiraan laga soo qaaday leesimada ay bixiyeen ismaamullada ee goobaha lagu caweeyo ee ku yaalla goobaha la deggan yahay ama hareeraha xarumaha waxbarashada.
Saraakiisha ammaanka ee ismaamullada ayaa lagu amray inay goobahan si degdeg ah u xiraan.
Sidoo kale dhammaan shaqaalaha dowladda ee leh goobaha lagu caweeyo ayaa lagu amray inay xiraan ama ay shaqooyinkooda iska casilaan.