Dowladda oo shaacisay in uu kobcay dhaqaalaha dalka

0
214

Warbixinta sahanka dhaqaalaha ee la soo saaray ayaa muujinaysa in dhaqaalaha wadanka uu kobac ah boqolkiiba 5.6 sameeyay sanadkii 2023-kii halka horay uu ahaa boqolkiiba 4.9.
Tani ayaa loo aaneeyay in inta badan boqolkiiba 19 la ballaariyey wax soo saarka beeraha ,kaymaha iyo kalluumeysiga.
Waxaa warbixinta sidoo kale ku cad in sanadkii hore , shaqaaleysiinta rasmiga ah ee waaxda wax soo saarka ay gaartay 363,200 oo shaqooyin ah tani oo u dhiganta koror dhan boqolkiiba 2.7 .
Sidoo kale waxaa muddada qiimeynta la sameeyay kordhay maalgashiga shisheeye ee tooska ah halka heerka sicirka uu ahaa mid u dhexeeya bartilmaameedsigii la saadaaliyay.
Hasa ahaate, wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta qaranka ayaa sheegtay in ay ka walacsan tahay tallaabooyinka loo baahan yahay si loo joogteeyo dib u soo kabashada dhaqaale.
Waxaa sahankan sameysay waaxda qaran ee qaabilsan kaydinta macluumaadka ee KNBS oo xustay inuu sii ballaaranaya farqiga u dhexeeya dalalka hodonka ah iyo kuwa saboolka ah ee caalamka.