Dowladda oo shaacisay in Jimcada ay tahay maalin fasax qaran ah

0
572

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiangi ayaa shaaciyay in Jimcada soo socoto oo ay taariikhdu ku beegan tahay 29-ka bishan Afaraad ay tahay maalin fasax qaran ah.
Dadweynaha ayaa fursad loo siinaya inay maalinkaasi shaqooyinka ka nastaan si ay ula socdaan aas qaran oo loo sameyn doono madaxweynihii hore ee dhawaan geeriyooday Mwai Kibaki .
Wasiir Matiangi ayaa sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga loo xilsaaray qabanqaabada aaska meydka hoggaamiyihii saddexaad ee Kenya.
Wasiirka ayaa xusay in maadaama Mwai Kibaki uu madaxweyne soo noqday si wayna uu wadanka ugu soo adeegay in aas qaran loo sameyn doono.
Mwai Kibaki oo wadanka hoggaaminayay intii u dhexeysay bishii 12-aad ee sanadkii 2002 ilaa bishii Afaraad ee sanadkii 2013-kii ayaa geeriyooday isagoo 90 sano jir ah.