Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Fred Matiang’i ayaa qoraal uu ku soo daabacay wargayska rasmiga ee dowladda ku sheegay in 14-ka bishan oo ku beegan maalin Jimco ay tahay maalin fasax ah.
Fasaxa ayaa loogu tala-galay in muslimiinta ku nool gudaha wadanka ay fursad u haleen u dabaal degga ciidul fitriga.
Wasiirka ayaa arrinkan shaaciyay isaga oo adeegsanaya awooddiisa dastuuriga sida ku qeexan qaybta 2-aad , farqada 1-aad ee xeerarka la xiriira maalmaha fasaxa ee laga aqoonsan yahay Kenya.
Bisha Ramadaan oo soo billaabatay 13-kii bishii hore ayay maanta muslimiinta sooman yihiin maalinkii 25-aad.