Dowladda dhexe ayaa shaacisay inay racfaan ka qaadan doonto go’aan maanta ka soo baxay maxkamadda sare ee wadanka oo lagu hor istaagay qorshaha 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska ee dalka lagu geynaya Haiti.
Garsoore Chacha Mwita ayaa maanta sheegay in golaha amniga qaran uunan awood u lahayn inuu saraakiisha booliiska dal kale geeyo.
Waxaa uu xusay in ay sharci darro tahay in booliiska Kenya ay waddan kale ka howlgalaan sidaasi awgeedna qorshaha maamulka Kenya Kwanza uu yahay mid baal marsan dastuurka oo aan lagu dhaqaaqi karin.
Hasa ahaate afhayeenka dowladda dhexe ,Isaac Mwaura ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in kastoo ay qadarinayaan sharciga haddana in dowladdu ay ka go’an tahay inay nabad ku soo dabbaasho Haiti sidaasi awgeedna aynan si fudud uga tanaasuli doonin qorshaheeda.
Waxaa uu bayaanka ku xusay inay go’aansadeen in ay racfaan ka qaataan go’aankii maanta ka soo baxay maxkamadda sare ee dalka.
Issac Mwaura ayaa sheegay in Kenya ay horay uga qayb qaadatay sugidda amniga waddamada Suudaanta Koonfureed, Namibia, Croatia, Liberia , Sierra Leone iyo kuwo kale sidaasi awgeedna ay garab siin doonto dalka Haiti oo ay hadda ka jirto amni darro.
Afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Issac Mwaura ayaa bayaankiisa ku soo gabagabeeyay in dowladdu ay mar kale caddeynaysa sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadka caalamiga ee saaran maadaama ay xubin ka tahay jaaliyado iyo ururrada qaramada dunida.
Bishii Tobnaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii golaha amniga qaran uu baarlamaanka ka codsaday inuu ansixiyo tallaabo 1,000 ka mid ah booliiska Kenya lagu geynaya dalka Haiti taasii oo uu golaha qaran ee xeer dejinta meel mariyay.
Ansixinta baarlamaanka ayaa timid iyadoo maxkamadda sare ay soo saartay amar si ku meel gaar ah loogu hakiyay in booliiska Kenya la geeyo Haiti inta laga dhageysanayo dacwad uu gudbiyay hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot iyo labo kale taasi oo ugu dambeyn maanta la go’aamiyay.
Dalka Haiti ayaa waxaa tobaneeyo sano ka taagan rabshado isugu jiro dilal baahsan , afduub iyo lacago baad ah oo ay qaadanayaan kooxo hubeysan oo ay dagaal kula jiraan ciidamada wadankaasi.
Horraantii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii ayay ahayd markii golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ansixiyay in Haiti loo diro howlgal nabadsugid oo ay ka qayb qaadanayaan dalal ay Kenya hoggaaminaysa si booliiska Haiti garab loogu siiyo inay ka adkaadaan kooxaha hubeysan.