Dowladda oo qorsheyneysa in hal milyan oo qoys ay koronto u xiriiriso labo sano gudahood

0
134

Dowladda ayaa waxaa ay qorsheynaysaa in labada sano ee soo socdo hal milyan oo qoysaska ku nool miyiga dalka ay helaan korontada joogtada ah.
Mashruucan oo la bilaabay sanadkii 2015-kii ayaa hadda yeeshay weji cusub iyada oo madaxweyne William Ruto uu doonaayo in koronto loo xiriiriyo 1,180,000 oo guryo cusub labada sano ee soo socota.
Hindisahan oo ay hirgeliyeen Shirkadda Korontada dalka ee Kenya Power iyo Guddiga Tamarta La Cusbooneysiin karo ee Reer Miyiga (REREC), ayaa horay u dhameystiray 1,301,938 xiriirsimo ee korontada saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Barnaamijkan, oo ay maalgelisay dowladda oo kaashanaysa deeq bixiyeyaasha sida Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) iyo Bangiga Adduunka, ayaa qoysaska ka qaada 15,000 oo keliya kharshaadka xiriirinta korontada.
Marka loo eego agaasimaha maamulka Kenya Power Joseph Siror, saameynta mashruuca ayaa ahayd mid aad u weyn.