Wasiiradda wasaaradda deegaanka , isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Soipan Tuya ayaa sheegay in dowladdu ay bartilmaameedsanaysa in ay berri abuurto geedo gaaraya hal bilyan.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku shaaciyay in berri ay tahay maalin fasax qaran ah oo geedo la beeri doono sidoo kalena la xusuusanaya dadkii ku dhintay daadadka wadanka saameeyay.
Tuya ayaa sheegtay in ay rajeynayaan in qof kasta oo wayn oo kenyaan ah uu abuuro ugu yaraan 50 geed halka canug kasta uu beeraya 10.
Waxay shacabka ku boorrisay in marka ay geedaha beeraan ay sawirro ka qaadaan si loo soo geliyo ablikeeshinka Jaza Miti.
Waxay dadweynaha ku boorrisay in ay howshan si wayn ugu soo baxaan oo ay ka qayb qaataan maalinta qaran ee dhul beeridda.
Qorshaha dowladda dhexe ayaa ah in 10 sano gudahooda la beero 15 bilyan oo geedo ah si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimillada.