Dowladda oo mushaar kordhin u sameyn doonto ciidamada ammaanka

0
357

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa sheegtay in ciidamada booliiska iyo saraakiisha waaxda asluubta ee dalka loo sameyn doono mushaar kordhin ah boqolkiiba 40 iyadoo tani loo maraya saddex weji.
Tani ayaa qayb ka ahayd soo jeedinnadii guddigii uu hoggaaminayay madaxii hore ee waaxda cadaaladda waddanka David Maraga ee loo saaray inuu dabagal ku sameeyo caqabadaha shaqo ee ay wajahayaan saraakiisha amniga.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in mushaar kordhinta loo sameynaya ciidamada ammaanka ay dhaqan gasho 1-dii bishii Toddobaad ee sanadkan.
Hasa ahaate , xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Raymond Omollo ayaa xaqiijiyay in mushaar kordhinta oo ay sidoo kale ka faa’iidaysanayaan saraakiisha adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS ay dhaqan geli doonto bisha soo socoto.