Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa meesha ka saaray xayiraad jirtay muddo afar sano ah oo ku saabsanayd booqashada maxaabiista.
Tani ayaa kumanaan maxaabiis ah fursad u siinaysa inay dib u arkaan ehelladooda.
Kindiki ayaa sheegay in laga billaabo bisha soo socoto ay maxaabiista 6-dii biloodba ugu yaraan hal mar booqan karaan qoysaskooda iyo ehelladooda.
Sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii ay dowladdu soo saartay xayiraadda hadda la qaaday oo xilligaasi loo soo rogay saameyntii cudurkii COVID-19 awgeed.




