Dowladda oo maanta u aqoonsatay maalin fasax qaran ah oo geedo la beeraya

0
252

Waxaa maanta ismaamullada kala duwan ee dalka lagu qabanaya munaasabado lagu beeri doono geedo si loo yareeyo saameynta isbeddelka cimillada.
Kenyaanka ayaa lagu boorriyay in iyagoo ka faa’iidaysanaya fasaxa qaran ee la shaaciyay ay howshan si wayn ugu soo baxaan.
Wasiiradda wasaaradda deegaanka, isbeddelka cimillada iyo kaymaha ee dalka Soipan Tuya ayaa sheegay in bartilmaameedsiga dowladda uu yahay in la beero hal bilyan oo geedo ah.
Madaxa wasiirrada ee dalka Musalia Mudavadi ayaa dhir beeridda ku hoggaamin doono shacabka iyo mas’uuliyiinta ismaamullada Tharaka Nithi iyo Kirinyaga.
Xeer ilaaliyaha qaranka Justin Muturi ayaa isna tagaya Bomet gaar ahaan kaynta Ndoinet waxaana halkaasi ku wehelin doono madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Felix Koskei.
Wasiiradda deegaanka Soipan Tuya ayaa iyadana ku sugnaan doonto ismaamullada Vihiga iyo Samburu halka dhigeeda warfaafinta Eliud Owalo uu gaari doono Nandi iyo Kisii.
Wasiirka wasaaradda gaadiidka Kipchumba Murkomen iyo dhigiisa tamarta Davis Chirchir ayaa iyagana geedo ku beeri doono Mombasa, Homa Bay, Baringo iyo Kericho .
Tani ayaa qayb ka ah qorshaha dowladda ee 10 sano gudaheeda lagu beeraya ilaa 15 bilyan.