Dowladda oo maalgelin ballaaran ku sameynaysa kaabayaasha horumarineed

0
335

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maalgelin ballaaran lagu sameyn doono kaabayaasha horumarineed sida waddooyinka si loo kobciyo dhaqaalaha wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la dardargelinaya arrimaha gaadiidka si sare u qaadidda dhaqaalaha looga soo billaabo meel hoose.
Hoggaamiyaha dalka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu maanta daahfurayay xarumaha badarka ee deegaanka Embakasi ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa munaasabadaasi ka qayb galay ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua, madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi,barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja iyo xubno kale.