Dowladda oo loogu baaqay inay sabarloogo siiso dugsiyada dowliga

0
533

Xildhibaanka deegaanka waqooyiga Dagoretti ee ismaamulka Nairobi Beatrice Elachi ayaa dowladda sare ugu baaqday inay dugsiyada dowliga ee ku yaalla caasimadda wadanka ay ku wareejiso sabar loogooyinka dhulalka.
Tani ayay sheegtay inay ka hor tag u noqon doonto in si sharci darro ah lagu qaato dhulalka xarumaha tacliinta.
Elachi oo maanta shir jaraaid qabatay ayaa walaac ka muujisay dhul uu leeyahay dugsiga sare ee Lavington oo ay ku doodaysa in la dhacay.
Waxay hoosta ka xarriiqay in ganacsade aynan magacdhawin uu dhisme halkaasi ka billaabay.