Haweenka ka tirsan baarlamaanka dalka ayaa dowladda ugu baaqay inay dilalka loo gaysto dumarka iyo gabdhaha u aqoonsato musiibo qaran.
Tani ayaa timid ka dib markii ay kordheen dhacdooyinka noocani ah ee la soo tabiyay.
Dhawaan ayay ahayd markii labo haween lagu dilay guriyo kala duwan oo ku yaalla caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa ugu dambeysay Rita Waeni Muendo oo ahayd ardayad dhigata jaamacadda (JKUAT) oo Isniintii meydkeeda laga dhex helay meel wasaqda lagu daadiyo oo ku taalla deegaanka Roysambu.
Waxaa garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi lagu xiray nin haysta baasaboorka dalka Mozambique oo la rumeysan yahay inuu gabadhan dilay.
Waxaa ka sii horreysay in meydka Starlet Wahu laga dhex helay guri ku yaalla xaafadda South B ee Nairobi iyadoo falkaasi loo xiray John Matara .
Baaqa ku aaddan in dilalka loo gaysanaya haweenka iyo gabdhaha loo aqoonsado musiibo qaran waxaa dowladda u dirtay Guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin haweenka xeer dejiyaasha ee dalka ee (KEWOPA)Leah Sankaire.
Waxay sheegtay inay qasab tahay in la qaado tallaabooyin adag oo lagu cirib tiraya tacaddiga lagula kaco haweenka iyadoo dhacdooyinkan loo aqoonsanaya musiibo qaran.