Hoggaamiyaasha kaniisadaha ee gobolka Xeebta ayaa dowladda dhexe ugu baaqday inay baaritaano qoto dheer ku sameyso howlaha baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie iyo kuwa kale ee la midka ah.
Mas’uuliyiinta golaha (NCCK) laantiisa Xeebta ayaa soo jeediyay in baaritaano ka dib shakhsiyaadka dadka ka dhaadhicinaya caqiidooyinka khaldan in laga qaado tallaabooyin adag oo dhanka sharciga ah.
Waxay codsanayaan in Mr. Mackenzie si shakhsi ah loola xisaabtamo oo aan la sameyn ciqaab wadareed ka dhan ah kaniisadaha.
Baadariyaasha oo uu hor kacaya guddoomiyaha NCCK ee gobolka Xeebta Peter Mwero, ayaa dhanka kale xafiiska diiwaangeliya ururrada ku soo jeediyay inuu dabagal ku sameeyo ururrada diimeed ka hor inta aan la diiwaangelin.