Dowladda oo lagu dhaliilay go’aan ay ka qaadatay galleyda casriga

0
270

Koox isugu jiro hay’adaha aan dowliga ahayn iyo ururrada bulshada ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay inay meesha ka saartay xayiraad saarnayd galleyda lagu soo saaro qaabka casriga ee tiknolojiyadda ee GMO.
Xayiraaddan oo jirtay tan iyo sanadkii 2012 ayaa dhawaan la qaaday.
Kooxdan ayaa wacad ku martay inay maxkamadda geyn doonto dacwad ka dhan ah go’aanka dowladda.
Waxay ku doodayaan in aan arrintan laga qayb gelin dadweynaha si ay afkaartooda uga dhiibtaan.