Dowladda oo laga dalbaday inay faahfaahiso nidaamka tacliinta

0
189

Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi ayaa dowladda dhexe ka dalbaday inay faahfaahin cad ka bixiso nidaamka tacliinta ee la qaadanaya.
Waxaa uu sheegay in siyaasiyadda la xiriirta arrimaha waxbarasho ee isbeheysiga Kenya Kwanza uu u muuqdo mid caqabad ku ah mustaqbalka carruurta kenyaanka ah.
Tani ayaa timid ka dib markii wasaaradda waxbarashada ay shaacisay in ardaydii sameeyay imtixaanka KPSEA ee fasalka 6-aad ay weli ka sii tirsanaan doonaan dugsiyada hoose dhexe.
Wandayi ayaa sidoo kale doonaya in dowladda ay si dhameystiran u wanaajiso kaabayaasha dugsiyada.