Madaxa siyaasiyiinta mucaaradka ee looga tirada badan yahay baarlamaanka, James Opiyo Wandayi ayaa doonaya in la joojiyo dhaqangelinta warbixinta guddigii uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inuu dib u eegis ku sameeyo arrimaha waxbarashada .
Waxaa uu dalbaday in qorshahan la hakiyo ilaa iyo inta uu baarlamaanka wadanka ka ansixinaya.
Opiyo Wandayi ayaa xusay inay ka war heleen in warbixintii guddiga la dhaqangelinaya iyadoo uunan meel marin golaha qaran ee xeer dejinta.
Siyaasigan ayaa sheegay in ay qasab tahay in baarlamaanka uu dowladda dhexe u oggolaado ama uu ka diido tallaabada xigta ee ay qaadaysa.
Wandayi ayaa xilli uu ku sugnaa machadka farsamada ee deegaanka laga soo doortay ee Ugunja sheegay in waxyaabaha uu guddigu ku taliyay ay u baahan yihiin in isbeddel lagu sameeyo dastuurka wadanka u degsan taasina aynan dhici karin iyadoo aan oggolaansho laga helin baarlamaanka iyo aqalka sare.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay soo jeedinta ah in maamulka xarumaha hoose ee waxbarashada ee (ECDE) la hoos geeyo dowladda dhexe maadaama ay hadda gacanta ku hayaan ismaamullada.
Xildhibaanka ayaa dhanka kale dadka deegaanka Ugunja uga digay falal horay u dhacay oo waalidiinta ay ku weerareen dugsiyo iyagoo ka cabanaya in carruurtooda ay natiijadii imtixaamka fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da ay ka soo hooyeen buundooyin hooseeya.
Waxaa uu shacabka ku wargeliyay inay jiraan habraacyo dastuuri ah oo uu adeegsan karo qofka cabanaya sidaasi awgeedna aan loo baahnayn in rabshad laga abuuro xarumaha waxbarashada.
Home Wararka Kenya Dowladda oo laga dalbaday in ay joojiso dhaqangelinta isbedellada dhanka waxbarashada