Dowladda oo lacag ururin u sameyneysa dadkii ku waxyeeloobay dhul-go’ii Elgeyo Marakwet iyadoo tirada dhimashada ay gaartay 39 qof

0
78

Dowladda ayaa waxaa ay ugu baaqday dadka samafalka jecel inay gacan ka geystaan ururinta lacago si loo caawiyo dhibanayaasha dhul-go’ii dhimashada badnaa ee ka dhacay ismaamulka Elgeyo Marakwet 1-dii bishan November.
War-saxaafadeed uu soo saaray Talaadadii, Afhayeenka Dowladda Dhexe Isaac Mwaura ayaa sheegay in tirada dhimashada ay hadda tahay 39, iyadoo 9 qof ay weli maqan yihiin halka 6 kalena lagu daaweynaayo isbitaallada.
Dowladda ayaa waxaa ay ugu baaqday hoggaamiyeyaasha, ururada, hay’adaha, iyo dhammaan dadka Kenyaanka ee naxariista leh inay ku soo biiraan garab istaagga qoysaska maadaama “xilligan loo baahan yahay midnimo, naxariis, iyo mas’uuliyad wadajir ah.”
Munaasabadaha aaska ee dhibbanayaasha ayaa waxaa ay dhici doonaan taariikho kala duwan ee bishan Nofeembar.
Afhayeenka ayaa waxaa uu intaas ku daray in tallaabooyin la qaadayo si loo soo celiyo hab-nololeedka loona xoojiyo badbaadada bulshada iyo adkeysiga meelaha ay dhibaatadu saameysey.