Dowladda oo laba jibbaaraysa ciidamada ku sugan meelaha ay burcaddu saameysay

0
274

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in laga billaabo Sabtida soo socoto ay dowladdu laba jibbaar ka dhigi doonto tirada saraakiisha ammaanka ee ka howlgalo deegaannada ay saameeyaan falalka burcadnimo ee Waqooyiga Rift Valley.
Wasiirka ayaa xilli uu shalay ka soo hormuuqday baarlamaanka xusay in kastoo ay weli caqabado jiraan haddana in dib loo soo celiyay xoolo la dhacay.
In kastoo howlgallo amni ay ka socdaan Waqooyiga Rift Valley haddana waxay weerarro soo noqnoqday ka dhacaan qaybo ka mid ah ismaamullada Samburu, Turkana, Elgeyo Marakwet iyo West Pokot.
Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in laga billaabo beeri la tababari doono 200 oo ah booliiska keydka oo dheeraad ah si loo xoojiyo amniga ismaamulka Baringo.
Kithure Kindiki ayaa sheegay in 100 ka mid ah ciidamadan laga howlgelin doono Waqooyiga Baringo halka 100-ka kale ay ka shaqeynayaan Koonfurta dowlad deegaankaasi.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa dhanka kale xusay in dowladda dhexe ay u hoggaansantay heerarka caalamiga ee la xiriira daadgureynta shacabka ku nool meelaha laga fulinaya howlgallada amni.