Dowladda oo ku howlan qaab lagu aqoonsanaya qoysaska danyarta ah

0
252

Wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ayaa ku howlan soo saaridda qaab si sax ah loogu aqoonsan karo qoysaska danyarta ee ku nool 47-da ismaamul.
Waxaa uu qorshuhu yahay in nidaamkan oo loo yaqaano (ESR) uu diyaar noqdo bisha 12-aad ee sanadkan.
Stefanie Bitengo oo ka mid ah shaqaalaha xoghaynta qaran ee badbaadinta bulshada ayaa arrinkan shaaca ka qaadday.
Bitengo ayaa sheegtay in hannaanka ESR uu dowladda dhexe iyo daneeyayaasha ka caawin doono in la aqoonsado qoysaska liita ee u qalma inay helaan lacagaha barnaamijka Inua Jamii.
Bitengo ayaa hoosta ka xarriiqday in la hayo xogaha qoysaska danyarta ah ee ismaamullada Baringo, Kilifi, Kisii, Kitui, Kwale, Laikipia, Lamu, Makueni, Migori, Murang’a, Narok, Taita Taveta, Tharaka, Vihiga, West Pokot, Marsabit, Mandera, Wajeer ,Turkana, Isiolo, Tana River, Samburu iyo Garissa.
Barnaamijka ESR ayaa qayb ka ah mashruuc soo billowday sanadkii 2019-kii oo ay iska kaashanayaan dowladda Kenya iyo bangiga adduunka .
Mashruucan oo loo yaqaano (KSEIP) ayaa ku saabsan ka qaybgelinta shacabka ee arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha waxaana ku baxaysa 22 bilyan oo shilin.
Nidaamka ay dowladda dhexe bishiiba waayeellada ku siiso 2,000 oo shilin ee Inua Jamii ayaa waxaa ilaa iyo hadda ka faa’iiday in ka badan hal milyan oo qof.