Dowladda oo ku dhawaad 300 oo milyan dib u dejin ugu sameysay qoysaskii deganaa meelaha u dhow webiyada

0
369

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu ku dhawaad 300 oo milyan oo shilin ku bixiyay in dib u dejin loo sameeyay qoysaskii degganaa hareeraha webiyada iyo meelaha biya qabadka ah kuwaasi oo la daadgureeyay.
Waxaa uu xusay in ilaa 27,000 oo qof oo goobahan ku noola meelo kale la dejiyay.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in weli uu socdo qorshaha meelo kale lagu dejinaya 30,000 oo dheeraad ah.