Dowladda oo ku dhawaad 1000 fasallo ah ka dhisaysa ismaamullada dhinaca horumarka ku dambeeya

0
687

Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday inay fasallo dhan 962 ka hirgelin doonto dugsiyada ku yaalla ismaamullada dhinaca horumarka ku dambeeya oo ay ka mid yihiin kuwo gobolka waqooyi bari.
Waxaa arrintan xaqiijiyay xoghayaha joogtada ah ee tacliinta aasaasiga ee wasaaradda waxbarashada Dr. Julius Jwan .
Jwan ayaa hoosta ka xarriiqay in 561 fasal laga dhisi doono dugsiyada sare ee deegaannada oomanaha lagu tilmaamo ee loo yaqaano ASALs.
Mashruucan ayaa ugu dambeyn bisha 12-aad ee sanadkan laga hirgelin doonaa 30 ka mid ah ismaamullada wadanka.