Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in laga billaabo bisha soo socoto dadka iska diiwaangeliyay sanduuqa deymaha ee Hustler Fund ay amaahan doonaan 10,000 ilaa 200,000 oo shilin.
Ruto ayaa sheegay inuu wasaarad gaar ah u sameeyay arrimaha iskaashatooyinka iyo horumarinta ganacsiyada yaryar.
Hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in tani iyo markii dowladda dhexe ay billowday bixinta deymaha Hustler Fund inay bixisay lacag dhan 27 bilyan oo shilin.
Muddo 6 bilood gudaheeda ah ayuu xusay in dadka qaatay amaahdan ay dib u bixiyeen ilaa 17 bilyan oo shilin.
Tirada kenyaanka ee deymahan la siiyay ayuu ku sheegay 15 milyan oo qof oo kenyaan ah.
Dhanka kale madaxweyne Ruto ayaa sheegay inaynan jirin cid loo qabanaya ama lagu dhibaateynaya musharraxii ay u codeysay maxaa yeelay qof kasta wuxuu adeegsaday xaqiisa dimuqraadiga ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in uunan waxba u qabin madaxda ururrada shaqaalaha iyo dhammaan kenyaanka aan isaga soo dooran oo uu diyaar u yahay inuu cid kasta la shaqeeyo.
Waxaa uu sidoo kale xusay in qorshaha dowladda uu yahay in sanad kasta la abuuro 200,000 oo fursado shaqo ah.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka hadlay waddamo doonaya inay shaqaaleysiiyaan kenyaanka oo ay ka mid yihiin Jarmalka , Maraykanka, Canada iyo Imaaraadka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay Barnaamijka guriyeynta ee dowladda isagoo sheegay in 6.5 milyan oo qof ay ku nool yihiin xaafadaha isku raranta ah isagoo faahfaahiyey sababta ay dowladda mashruucan xoogga u saareysa.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay culeyska ay kenyaanka kala kulmaan helidda adeegyada caafimaadka isagoo xusay in bixinta qarashaadkan ay ilaa hal milyan oo qof u horseedo nolol saboolnimo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in isbeddel lagu sameyn doono qaabka loo wajaho arrimaha caafimaadka oo wixii hadda ka dambeeya diiradda la saaraya siyaabaha ka hor tagga cudurrada iyo xoojinta adeegyada caafimaadka .