Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa meesha ka saaray wargelin dowladeed oo ku aaddanayd in la kordhiyay qiimaha lacageed ee dadweynaha laga qaado marka la siinaya dokumeentiyada muhiimka ah.
Dokumeentiyadan waxaa ka mid ah aqoonsiga qaran, baasaboorka iyo kuwo kale.
Kindiki ayaa sheegay in marka hore arrintan laga qayb gelin doono dadweynaha si ay aragtidooda uga dhiibtaan.
Hasa ahaate waxaa uu xusay in isbedelladii horay loo shaaciyay ee dhanka qarashaadka ay dhaqan geli doonaan 1-da bisha Koowaad ee sanadka 2024.
Waaxda qaabilsan arrimaha socdaalka iyo adeegyada rayidka ayaa lagu amray inay dadweynaha qorshahan cusub ka qayb geliso oo ay uruurinta aragtidooda soo gabagabeyso ugu dambeyn 10-ka bisha 12-aad ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib qaylo dhaan ka dhalatay qiimaha lacageed ee lagu bixiyo dokumeentiyada muhiimka ee ay dowladdu shaacisay in la kordhiyay.