Dowladda oo ka hadashay badqabka kenyaanka ku sugan Israa’iil

0
253

Xoghayaha joogtada ah ee waaxda arrimaha qurba joogta ee wasaaradda dibadda ee dalka Roseline Njogu ayaa sheegtay inay badqabaan dhammaan kenyaanka ku nool Israa’iil.
Njogu ayaa hoosta ka xarriiqday in uunan jirin qof kenyaan ah oo ku dhintay dagaallada u dhexeya ciidamada Israa’iil iyo ururka Xamaas ee dalka Falastiin.
Waxay intaasi ku dartay in kastoo ay weli weerarrada socdaan haddana in la dejiyay qorshaha muwaadiniinta dalka halkaasi looga soo daadgureynaya iyadoo ay ka qayb qaadan doonaan waaxyaha kala duwan ee dowladda.
Xoghayaha ayaa xustay in dowladda Kenya gaar ahaan safaaradeeda magaalada Tel Aviv ay si dhow ula socoto xaaladda ka taagan Israa’iil oo haddii daadgureyn shacab loo baahdo si degdeg ah loo guda geli doono.