Dowladda oo ka falcelinaysa saameynta abaarta ee deegaannada xoolo dhaqatada

0
653

Dowladda dhexe ayaa billowday dadaallo wax looga qabanaya saameynta abaarta ee ka jirta ismaamullada xoolo dhaqatada ee ASALs.
Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha , horumarinta karaanka aadanaha iyo barnaamijyada gaarka ah ee dalka Mr. Geoffrey Ruku ayaa daahfuray gargaar cunno oo la gaarsiinaya ismaamullada Mandera iyo Turkana.
Munaasabaddan ayaa lagu qabtay xarunta guddiga qaran ee kaydinta dalagga ee (NCPB) ee magaalada Nairobi.
Wasiir Ruku ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay ka hor tagga in qof kenyaan ah uu gaajo u geeriyoodo.
Cuntadan ayaa isugu jirto 6,600 oo kiish oo galleey ah oo la geynaya Turkana, 7,200 oo kiish oo bariis ah oo loogu talagalay shacabka Mandera iyo 8,840 kiish oo ah digir loo kala qaybinaya labada dowlad deegaan.
Wasaaradda adeegga dadweynaha ayaa laga soo xigtay in gargaarkan ay ka faa’iidi doonaan qiyaastii 204,600 qof oo ku nool Turkana iyo 287,700 ruux oo ku sugan Mandera.
Maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee NDMA ayaa warbixin uu dhawaan soo saaray ku sheegay in qiyaastii 2.15 milyan oo qof oo ku nool ismaamullada lagu tilmaamo oomanaha ee ASALs oo ah ilaa 23 ay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar cunno.