Dowladda oo ka baaraandagaysa inay hubeyso guddoomiye xaafadeedyada

0
326

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe ay ka baarandagaysa inay hub siiso guddoomiye xaafadeedyada ka howlgalo qaybo ka mid ah gobollada wadanka si ay gacan uga gaystaan la dagaalanka burcadda.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tallaabadan ay sidoo kale guddoomiye xaafadeedyada ka caawin doonto inay naftooda badbaadiyaan.
Wasiirka ayaa xusay in mas’uuliyiintan sidoo kale la siin doono tababar ku saabsan adeegsiga hubka.
Waxaa uu ku celceliyey in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay in guddoomiye xaafadeedyada ay saraakiisha booliiska garab ku siiyaan in dib loo soo celiyo xoolaha la dhaco.
Kindiki ayaa sheegay in kooxaha burcadda ay inta badan bartilmaameedsadaan guddoomiye xaafadeedyada.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in isku dhacyada lagu dilay labo ka mid ah mas’uuliyiintan oo ka howlgalayay ismaamullada Samburu iyo Vihiga.