Dowladda oo ka baaraan degaysa in magdhow la siiyo beeraleyda

0
295

Dowladda dhexe ayaa ka baaraan degaysa in ay lacago magdhow ah siiso beeraleyda ay daadadka ka dhashay roobabka saameeyeen dalagyadooda .
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday xoghayaha wasaaradda beeraha ee dalka Paul Rono.
Waxaa uu xusay in dowladdu ay uruurinaysa macluumaadka beeraleyda ay abuurkooda waxyeellada ka soo gaartay fatahaadaha si loo caawiyo oo ay howlahooda u sii wataan.
Arrintan ayuu sheegay ka dib markii beeraleyda Chepsir ee deegaan baarlamaneedka Bariga Kipkelion ee ismaamulka Kericho loo qaybiyay ilaa 5,000 oo ah abuurka afakaadhaha.
Fatahaadaha ayaa burburiyay ku dhawaad 60,000 oo eekar oo dhul beereed ah guud ahaan wadanka.
Waxaa uu tani khasaare ka soo gaaray 10,000 oo beeraley ah.