Wasiirka wasaaradda beeraha iyo xanaannada xoolaha ee dalka Mithika Linturi ayaa sheegay in wargeyska rasmiga ah ee dowladda lagu soo daabici doono qiimaha lagu iibinaya qaadka .
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday in waxyaabaha fududeynaya isticmaalka nooca qaadka ee Mogokaa ay ka mid tahay in qiimo yar lagu iibsado.
Wasiirka ayaa tilmaamay inuu guddi u saari doono isku duwidda arrintan.
Sidoo kale waxaa uu xusay in ay ku dadaalayaan in ay wada hadal la yeeshaan barasaabyada ismaamullada gobolka Xeebta sida Mombasa, Kilifi iyo Taita Taveta ee laga mamnuucay qaadka Mogokaa.