Dowladda oo isbeddel ku sameynaysa aqoonsiga qaran

0
898

Xoghayaha joogtada ah ee waaxda adeegyada jinsiyadeed ee dalka , Julius Bitok ayaa sheegay in wixii ka dambeeya dhamaadka bishan aan la soo saari doonin aqoonsiga qaran ee ay hadda kenyaanka isticmaalaan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in 29-ka bishan Sagaalaad la daahfuro nambar loogu magacdaray Maisha Number oo qof waliba si gaar ah loogu aqoonsan doono.
Nidaamkan casriga ah ayaa waxaa ku baxaysa ilaa hal bilyan oo shilin.
Waxaa uu xoghayaha hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaadka aqoonsiga qaran codsado la siin doono nambarka Maisha.
Sidoo kale waxaa kaararkan qaadanaya dadka doonaya inay aqoonsigooda qaran cusbooneysiiyaan.
Bitok ayaa tilmaamay in qof waliba oo kenyaan ah oo ay dhamaadka bishan u buuxsamaysa 18 sano uu heli doono nambarka aqoonsiga ee Maisha Number.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladdu ku nidaaminaysa hannaanka aqoonsiga ee wadanka.