Dowladda dhexe ayaa shaacisay in kowda bisha soo socoto ee September ay billaabeysa wajiga labaad ee diiwaangelinta beeralayda.
Wasiirka wasaaradda beeraha ee dalka, Mithika Linturi ayaa sheegay in diiwaangelinta cusub ay ku beegsanayaan kuwa aan wali nidaamkan ka qayb gelin.
Waxaa uu xusay in diiwaangelinta ay qayb ka qaadaneyso sidii ay beeralayda u heli lahaayeen bacrimin oo ay wax soo saarkooda ku kabaan.
Wasiirka beeraha ayaa intaasi ku daray in sanadkan ay rajeynyaan in beeralayda ay dalag badan soo saaraan, maadaama qiimaha bacriminta hoos la dhigay.
Waxaa uu xusay in sida kaliya ee lagu yareyn karo qiimaha sarreeya ee maciishadda ay tahay in kor loo qaado wax soo saarka beeraha.
Dowladda dhexe ayaa bishii koowaad ee sanadkan billowday inay uruuriso macluumaadka beeralayda si loo keydiyo xogahooda saxda ah oo loogu qaybiyo bacriminta iyo agabka beeraha.
Home Wararka Kenya Dowladda oo horraanta bisha soo socoto billaabeysa wajiga labaad ee diiwaangelinta beeralayda