Dowladda oo hooyooyinka shaqeeya u sameynaysa meelo ay carruurta ku nuujin karaan

0
202

Dowladda dhexe ayaa ku dadaalaysa sidii guud ahaan wadanka looga hirgelin lahaa goobo gaaraya 100 oo loogu talagalay in ay carruurtooda ku nuujiyaan hooyooyinka shaqeeya.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaadday xoghayaha wasaaradda caafimaadka ee dalka Mary Muthoni.
Tallaabadan ayuu ku tilmaantay mid istaraatiiji ah oo sare loogu qaadaya naas nuujinta carruurta oo la sheegay inuu hoos u dhac ku yimid.
Waxay carrabka ku adkeysay in khuburro gaaraya 126 oo isugu jiro kuwa qaabilsan xanuunnada carruurta , nafaqada, dhakhaatiirta daawooyinka bixiya iyo kalkaaliyeyaal loo diyaariyay in ay 28 ismaamul ku qabtaan tababarro ku saabsan helidda agabka nuujinta carruurta.
Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO iyo midda daryeelka ubadka ee UNICEF ayaa ku taliya in marka uu canugga dhasho 6-da bilood ee ugu horreeya si toos ah loo nuujiyo.