Dowladda oo hal bilyan ku casriyeynaysa wax soo saarka xarumaha asluubta

0
282

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in dowladda dhexe ay lacag dhan hal bilyan oo shilin ku bixin doonto casriyeynta goobaha ay maxaabiista ku jira xarumaha asluubta ee wadanka ku soo saaraan agabka kala duwan.
Wasiirka ayaa xusay in tani looga gol-leeyahay soo saaridda badeecooyin tayo ahaan wanaagsan.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay dhaqangelinta isbeddellada dhanka asluubta.
Wasiirka ayaa arrintan ka hadlay xilli uu shalay ku sugnaa xabsiga dhexe ee degmada Mwea ee ismaamulka Kirinyaga .
Waxaa uu dhanka kale ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in la beddelo agabka yaalla xarumaha asluubta ee xilli hore la isticmaalayay.
Prof. Kithure Kindiki ayaa intaasi ku daray in guddi uu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay isbeddellada dhanka booliiska iyo asluubta oo uu hoggaaminaya madaxii hore ee cadaaladda dalka David Maraga inuu warbixintiisa gudbin doono dabayaaqada bishan Shanaad.
Waxaa uu wasiirka sheegay in dowladdu ay dhaqangelin doonto talooyinka uu guddiga u soo jeediyo si loo wanaajiyo hannaanka asluubta ee dalka.