Dowladda oo hakisay soo saaridda macdanta ee ismaamulka Migori

0
293

Dowladda ayaa soo saartay amar lagu hakinaya dhammaan howlaha soo saaridda macdanta ee ismaamulka Migori.
Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Migori David Gitonga iyo agaasimaha macdan qodidda ee gobolka Nyanza Joseph Boiwo ayaa si wadajir ah amarkan u bixiyay.
Waxaa dadkii ganacsigan ku howlanaa lagu amray inay raadsadaan leesimo ay ku shaqeysan karaan.
Mr.Gitonga ayaa sheegay in kastoo ganacsatada soo saaro macdanta laga doonaya inay haystaan shati ay ku shaqeysan karaan haddana in badankoodu aynan xeerkan u hoggaansamin.