Dowladda oo hakisay howlgalladii ka dhanka ahaa wadayaasha mootooyinka

0
388

Guddiga qaran ee adeegga booliska dalka ee NPS ayaa maanta ku dhawaaqay in la hakiyay howlgalladii ka dhanka ahaa wadayaasha mootooyinka ee guud ahaan dalka.
Bayaan ay waaxda NPS soo saartay ayay ku sheegtay in joojinta ku meel gaarka ah ay howlgallada ay tahay sidii wadayaasha dhugdhugleyda ay markale isu diiwangelin lahaayeen iyo sidoo kale in madaxda sare ururka mootooyinka laga doonaya inay la tashiyo la sameeyaan xubnaha ururkooda islamarkaana ay la yimaadaan hababka ugu wanaagsan ee wax looga qabanayo arrintan.
Waxaa dhanka kale wali mamnuuc si ahaan doono in mootooyinka ay ka howlgalaan bartamaha caasimadda dalka Nairobi ee CBD.
Wadayaasha mootooyinka ayaa dhanka kale lagu taliyay inay u hoggaansamaan shuruucda waddooyinka.
Waxaa loogu baaqay inay fursaddan ka faa’iidaystaan oo ayna is diiwaangeliyaan maadaama madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu ka cafiyay qarashaad ay horay u bixin jireen.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu saraakiisha ammaanka amar ku siiyay inay guud ahaan wadanka ka sameeyaan howlgal ballaaran oo ka dhan ah wadayaasha mootooyinka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan ganacsato badan oo si wanaagsan ugu shaqeysta gaadiidkan balse ujeeddada laga leeyahay howlgalka uu yahay in tallaabo sharciyeed laga qaado shakhsiyaadka dhaawacaya sumcadda waaxdan.
Kenyaanka iyo mas’uuliyiin kala duwan ayaa si wayn baraha bulshada uga falceliyay muuqaal laga duubay haweeney darawalad ahayd oo ay dhibaato u gaysteen qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka ee magaalada Nairobi.