Dowladda dhexe ayaa hadda gacanta ku haysa dhaqangelinta mashaariic horumarineed oo gaaraya 685 oo ku aaddan adeegyada biyaha.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda biyaha Injineer Samwel Alima ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 2013-kii , la qoday 2,500 oo ceelal biyood ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in baaxadda biyaha ee wadanka ay hadda tahay boqolkiiba 70 halka maareynta nadaafad darrada lagu guulaystay boqolkiiba 40.
Injineer Alima ayaa tilmaamay in qorshuhu uu yahay in adeegyada biyaha la gaarsiiyo boqolkiiba boqol ka hor sanadka 2030-ka.
Waxaa uu sheegay in sanadkii 2002-dii, mashaariicda dowladda ee dhinaca biyaha ay ahaayeen boqolkiiba 30.
Xoghayaha wasaaradda biyaha ayaa caddeeyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay sidii qoys walbo oo wadanka ku nool uu u heli lahaa biyo nadiif oo ku filan.