Dowladda oo fasaxday 2.5 bilyan oo loogu talagalay macallimiinta jaamacadaha

0
447

Wasaaradda Maaliyadda ayaa fasaxday 2.5 bilyan oo shillinka dalka ah si looga faa’ideysto hirgelinta Wajiga 2 ee Heshiisyada gorgortanka Wadajirka ah ee 2021-2025 (CBAs) ee jaamacadaha.
War murtiyeed la soo saaray maanta ayuu Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Julius Ogamba ku booriyay Ururka macalimiinta jaamacadaha ee (UASU) inay ka laabtaan ogeysiiskii shaqo joojinta ee 7-da maalmood ahaa ee ay soo saareen todobaadkii hore.
Wasiir Ogamba oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dowladda ay wali ka go’an tahay sidii ay u gudan lahayd dhammaan waajibaadka saaran sida looga wada xaajooday habraaca shaqo ku noqoshada.
Isagoo soo saaray ogeysiiskooda shaqo joojinta, Xoghayaha Guud ee UASU Constantine Wasonga ayaa sheegay in dowladda ay ku guuldareysatay inay fuliso wada xaajoodyada iyo diiwaan gelinta CBA-da, isagoo xusay in macalimiinta jaamacadaha ay joojin doonaan adeegyadooda dhammaan jaamacadaha dowladda.
41 jaamacadood ayaa saxiixay ogeysiiska shaqo joojinta ee ku taariikhaysan 10-kii bishan September.