Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladdu ay si xeeladaysan dib ugu dhigtay furitaanka dugsiyada si loo qiimeeyo xaaladda fatahaadaha ee wadanka ka jirta.
Tallaabada la qaaday ayuu ku tilmaamay mid looga hor tagaya in dhibaato ay soo gaarto ardayda.
Waxaa uu horay qorshuhu ahaa in dugsiyada la furo Isniintii balse bayaan xilli dambe ay soo saartay wasaaradda waxbarashada ayaa muddo toddobaad ah lagu kordhiyay mudadii hore.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Mr. Ezekiel Machogu ayaa sheegay in xarumaha waxbarashada dib loo furi doono 6-da bishan Shanaad ee May.
Hasa ahaate qaar ka mid ah waalidiinta ayaa walaac ka muujiyay go’aanka dowladda oo ay sheegeen inuu ku soo aaday ka dib markii ay carruurtooda soo safreen si ay dugsiyada iskaga xaadiriyaan.
Xoghayaha joogtada ah ee tacliinta aasaasiga Dr. Belio Kipsang ayaa maamulayaasha dugsiyada ku amray in aynan dib u celin ardayda.