Dowladda oo faahfaahisay khasaaraha ka dhashay dibadbaxyada

0
336

Hoggaamiyaha dalka William Ruto oo galabta la hadlay warbaahinta ayaa xusay in labadii toddobaad ee ugu dambeeyay wadanka uu galay xaalad rabshadeysan oo liddi ku ah nidaamka kala dambeynta ee maamulka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in saraakiisha ammaanka ay sameeyaan wax waliba oo ay awoodaan oo ay ku badbaadinayaan nolosha shacabka iyo hantidooda.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dad ka faa’iidaysanaya dibadbaxyada ay bililiqaysteen hanti dadweyne sidoo kalena ay burbur gaysteen.
Waxaa uu xusay in dibadbaxyada lagu dilay saddex qof oo uu ka mid yahay sarkaal booliis ah.
Sidoo kale waxaa mudaaharaadyada ku dhaawacmay ilaa 400 oo qof oo kenyaan ah oo ugu yaraan 60 ka mid ah ay yihiin saraakiisha amniga.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tilmaamay in rabshadahan ay caqabad ku noqdeen kobaca dhaqaale ee dalka sidoo kalena ay dhaawaceen sumcadda qaranka.
William Ruto ayaa sheegay in rabshadaha ay dowladda dhexe ka weecinayaan arrintan diiradda u saaran ee ah wanaajinta dhaqaalaha wadanka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dab la qabadsiiyay mid ka mid ah baabuurta saraakiisha ammaanka halka mid kale la afduubtay.
Sidoo kale waxaa uu xusay in la gubay masjid iyo kaniisad ku yaalla deegaanka Kibera ee ismaamulka Nairobi iyo in agab laga qaatay mid ka mid ah xarumaha meydadka la dhigo.