Dowladda oo doonaysa inay kordhiso macaashka laga helo caleenta shaaha

0
157

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa lagu wadaa inuu toddobaadka dambe kulan la yeesho mas’uuliyiinta wakaaladda horumarinta caleenta shaaha ee KTDA.
Ujeeddada laga leeyahay kulankan ayaa ah in sare loo qaado faa’iidada dhaqaale ee ay helaan beeralayda caleenta shaaha iyadoo lala jaanqaadaya hoos u dhaca ku yimid qiimaha shilinka dalka marka loo barbardhigo sarrifka doolarka Maraykanka.
Gachagua ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan yahay in beeralayda caleenta shaaha ay helaan macaash u dhigma wax soo saarkooda.