Dowladda oo doonaysa 13 bilyan si ay u quudiso 2.1 milyan oo Kenyaan ah

0
29

Dowladda ayaa si degdeg ah u doonaysaa 13 bilyan oo shillinka dalka ah si ay u quudiso in ka badan 2.1 milyan oo qof oo wajahaya gaajo guud ahaan 32 dowlad deegaanno.
Madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa codsigan jeediyay xilli uu la kulmay wakiillo ka socda la howlgalayaasha horumarinta, hay’adaha samafalka ee aan dowliga ahayn, iyo waaxda gaarka loo leeyahay. Toban ka mid ah 32-ka ismaamul ayaa durba ku jira marxalad feejignaan ah ka dib markii roobabkii gaabnaa ay baaqdeen.
Xaaladda abaarta ee ka jirta dalka ayaa sababtay xaalad cunto xumo oo daran oo ka jirta dhowr gobol, iyadoo warbixinnadii ugu dambeeyay ay ka digayaan in dadka ku nool degmooyinka qalalan iyo kuwa nus aroorka ah ee ASAL-ka ay halis sare ugu jiraan gaajo ba’an.
Ismaamulka Wajeer ayay xaaladdu tahay mid aad u daran iyadoo xoolaha iyo dadkabo ay la il darran yihiin gaajo ba’an.
Dowladda ayaa sheegtay in qaar ka mid ah degmooyinka ay si weyn ugu baahan yihiin gargaar degdeg ah ee dhanka cuntada, biyaha iyo caafimaadka si looga hortago dhimasho, halka dhowr kalena ay weli ku jiraan feejignaan sare.
Toban ismaamul ayaa si weyn ugu baahan gargaar degdeg ah oo cunto, biyo iyo daryeel caafimaad si looga hortago dhimashada dadka iyo xoolaha.
Dowlad deegaannadan ayaa waxaa ka mid ah Mandheera, Wajeer, Gaarisa, Kilifi, Kitui, Marsabit, Kwale, Kajiado, Isiolo, iyo Tana River. Ismaamullada heeganka sare ku jira ayaa kala ah Samburu, Turkana, Taita Taveta, West Pokot, Tharaka Nithi, Embu, Nyeri, Laikipia, Narok, Baringo, Makueni, Meru, iyo Lamu.
Dowladda ayaa sheegtay inay u baahan tahay 7 bilyan si ay u bixiso cunto, biyo, iyo daawo saddexda bilood ee soo socota si loo yareeyo dadka ay dhibaatadu saameeyeen, iyo 6 bilyan oo loogu talagalay xoolaha, cuntada, biyaha, iyo barnaamijka ka bixitaanka xoolaha lixda bilood ee soo socota.
Waxaa ay intaa ku dartay in kaydka cuntada ee la heli karo si degdeg ah loogu qaybin doono meelaha ugu badan ee ay dhibaatadu saameysey, iyadoo la isku darayo barnaamijyo gargaar cunto toos ah iyo lacag caddaan ah si loo yareeyo qoysaska nugul.
Dowladda ayaa ka codsatay la howlgalayaasha horumarinta, ururada samafalka, iyo waaxda gaarka loo leeyahay, oo ay ku jiraan shirkadaha Safaricom, Equity Bank, iyo Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya, inay taageeraan jawaabta dhaqaale ahaan, iyagoo adeegsanaya gargaar cunto, iyo khibrad farsamo.
Prof Kindiki ayaa sheegay in mudnaanta ugu muhiimsan ee dowladda hadda haysato ay tahay badbaadinta nolosha, dadka iyo xoolahaba, maadaama dalka uu u diyaar garoobayo xaalado qalalan oo daba dheeraada.