Dowladda dhexe ayaa shaaca ka qaadday in barnaamijka Inua Jamii ee lagu daryeelo qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul lagu diiwaangeliyay in ka badan 600,000 qof oo ah waayeellada ay da’doodu tahay 70 sano iyo wixii ka sarreeya iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Wasiiradda wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Florence Bore ayaa arrinkan ka sheegtay deegaanka Kieni ee ismaamulka Nyeri.
Waxay hoosta ka xarriiqday in horay bartilmaameedsiga diiwaangelinta uu ahaa 700,000 qof.
Dadkan ayaa ku biiraya 1.2 milyan oo qof oo horay loo diiwaangeliyay.
Dowladda dhexe ayaa qof weliba oo dadkan ka mid ah bishiiba siisa lacag dhan 2,000 oo shilin.