Dowladda oo digniin u dirtay shirkadaha keydsanaya shidaalka

0
736

Dowladda dhexe ayaa digniin ka soo saartay gaabadka dhanka shidaalka ee ka jiro gudaha wadanka.
Waxay shirkadaha ka ganacsado badeecooyinkan ugu baaqday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u gaarsiiyaan macaamiisha si looga gudbo caqabadda taagan.
Maamulka batroolka iyo adeegyada tamarta ee wadanka ee EPRA ayaa walaac ka muujiyay culeysyada ay dareemayaan gaadiidleyda.
EPRA ayaa sheegtay inay tallaabo sharciyeed ka qaadi doonto kaalimaha shidaalka ee kordhiyay qiimaha shidaalka iyagoo ka faa’iidaysanaya xaaladda jirta.
Maamulka ayaa xusay inay sharci darro tahay in la keydsado shidaal si caqabad loo abuuro ama in badeecooyinkan lagu iibiyo qiimo aan rasmi ahayn.